Tanaasulka iyo Qaranka. Fariin muhim ah oo ku socota Madaxweyne Farmaajo, Murashaxiinta Madaxweyne iyo siyaasiyiinta Mucaaradka

 

Arlaadi Online - Post | Facebook

January 31, 2021| ARLAADI ONLINE

Astaanta Qaranka ee Soomaaliya - Wikipedia

(dhacdo marqaati leh)

Inkastoo dalalka dunidu ku dhaqmaan xeerar iyo shuruuc (institutions) hadane tanaasulka ayaa ah tiir ka muhimsan mararka qaar shuruucda lagu dhaqmo.

Bal ila eega dhacdooyinkaan soo maray dalkii Midawga Sovyeeti iyo sidii loogu faaiday ama khasaaray Tanaasulkaa labadaba.

Lioned Brezhnev ayaa loo doortay hoggaamiyihii guud ee xisbihii shuuciga 14-Oktoober 1964 asagoo beddelay kaddib geeridii ku timid Nikita Khurushchev. Waxana ku xigeen iyo kaaliyaha xoghayaha guud ee xisbiga u noqday Konstantino Chernenko.

Leonid Brezhnev ayaa geeriyooday 10 nov 1982, waxay ahayd in uu bedelo ku xigeenkiisii Konstantino chernenko haseyeeshee waxa isna jagadaas isu soo sharaxay Yuri Androbov oo Xisbiga xoghaye maamul ka noqday laakin 15 sano madax ka soo ahaa laanta sirdoonka midawgii Sovieti KGB (the Committee for State Security).

Markii la isku diyaariyey in cod lagu kala saaro ayaa Konstantino chernenko oo la filayey in uu ku guuleysan doono hoggaanka xisbiga usoo istaagay codbaahiyaha kuna yiri waxan soo jeedinayaa in maanta la doono Yuri Androbov in uu hoggaamiyo xisbiga shuucigaa isla markana ah Madxaweynaha dalka waxana loogu raacay si aqlabiyad ah.

Doorashadii kedib ayaa Konstantino Chernenko la weydiiyey sababta uu u dayacay xilkaas maadaama uu ka fursad fiicnaa saaxiibkii waxana uu yiri hadii aan maanta tartano waxaan noqoneynaa 2 garab Midawga Soviyeetina waa burburayaa.

Yuri androbov waxa uu xilkaas hayey 10 Nov1 982/9 Feb 1984.

Geeridaas kaddib ayaa Konstantino chernenko dib loogu doortay xilka xoghayaha guud ee xisbigii shuucigaa iyo Madaxweynihii dalka isaga oo hayey 9 feb1984 /10 mar 1985.

Geerida Konstantino Chernenko kaddib waxaa xilkaas ku tartamay Mikhail Garbachev oo ka soo jeeday Qoys beeraley ahiyo Grigory Romanov oo ka soo jeeday faracii boqortooyadii Ruushka waxana ay ahaayeen labada nin ee ugu da’da yar gudigii siyaasada xisbiga ee la oran jiray (POLITBURO) waxana ku guuleystay Mikhail Garbachev ninkaas oo noqday mid xukunkiisu horseedo burburkii dal weynihii Midawgii Soviyeeti ku yimid 1990 taasoo cadeyn u ah dhaxalkii tanasulkii Konstantino chernenko iyo welwelkii uu ka qabay in dalku burburo oo dhab noqotay.

Maxaa Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ka baran karaan faaidada TANAASULKA iyo arimaha xiligan la isku hayo ee doorashada  2021.

_Doorasho Qof iyo cod

_ Doorasho dadban

_Ha la raaco dastuurka iyo xeerka doorashooyinka.

_ Arimaha masiirigaa ha la isla meel dhigo.

_Hayadaha Dawlada ayaa masuul ka ah in ay dalka doorasho gaarsiiyaan..

_Ha laga taxadaro in uu dhaco Firaaq dastuuri ah iwm.

_Akhristow ma kula tahay in dalkeenu ku dhaqmo xeerarka dalka mise waxad doorbidi TANAASUL Siyaasi ah in la helo xiliyada qaar ?

_Maxaa kale ee laga baran karaa dhacdadii Midawga Soviyeeti iyo go’aankii

Konstantino Chernenko saameyntii ay ku yeelatay dalkaas?

_Mase loo baahan yahay in dalkeena oo ah mid dagaalo sokeeyey ka soo kabanayo ahna mid nugul (fragile) u baahan yahay in si taxadar ku jiro loo dhaqmo?

ARLAADI ONLINE. EDUCATION NEWS, OPINION AND GUIDES

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *