Three years into a history-defying presidency. How will history judge President Farmaajo? Sadexdii sano ee lagu (Hungoobey) ee Farmaajo + Heesta Waa Adduunyooy Ileen Aayo Malahee, Ubaxii Baxaayay Sawdigaan Abaarsaday. Erayadii Cabdi Qeys iyo luuqdii Maxamed Warsame Qasaali. By Aqoonyahan Cali jaamac jirac

February 8, 2020 | Arlaadi Online

Image result for farmaajo iyo Nabad iyo Nolol 8-da February

MAALIN MADOW| 8-dii February 2017 markii la doortay Madaxwayne Farmaajo aad ayaa loo soo dhaweeyey, Bulshada Soomaaliyeed badankeedna waa ay u riyaqeen. Fursadaas dahabka ah ee Farmaajo heley waxay isu bedeshey mid meesha ka baxday oo burburtay (Hal bacaad lagu lisey).

Farmaajo isbeddel doonkii & ballamihii u shacabka Soomaaliyeed ka qaaday maxaa ka hirgalay?.

Dastuurka Qabyada ah fashil.
Maxkamad dastuuriya fashil 
Amniga fashil 
Tiro koobka dadka & Diiwaan gelinta dadka Fashil.

Shaqo abuurka dhalinyaradda fashil
Demoqoradiyenta & Xoriyada hadalka ama Free speech-ka Fashil
Xiriirka maamul gobleedyadda fashil.
Waxtarka dadka saboolka ah & curyaamiinta fashil

Siyaasadda Arrimaha dibadda fashil
Caafimaadka & waxbarashadda fashil.

Farmaajo & raiisal wasaarihiisa khayre waxaa laysku raacay iney yihiin kuwa dantooda ka hormariya danta guud ee dalka & dadka Soomaaliyeed.

Shacabka Muqdisho & Maamulka Farmaajo.

Saddex sano oo caburin & jidka oo laga xirey. Muqdisho waxay la mid noqotey sida North Korea (Pyongyang) in dadka aysan hadli karin, in Hotelada lagu shiri karin Freespeech-ka & demoqoradiyada oo meesha ka baxdey.

Golaha wasiirada Khayre waxaa laysku raacay inuu yahay golahii wasaarada ee ugu liitay ee soo mara Soomaaliya marka laga soo bilaawo dowladii lagu soo dhisay Carta Djabuti 2000, waa gole aan awood laheyn kana amar qaata Xasan Cali Khayre.

Dhibaatooyinkii dhacay sadexdii sano ee la soo dhaafay ee uu geeystey Maamulka Farmaajo.

Dhiibistii Qalbi-dhagax.
Weerarkii Cabdiraxman Cabdi shakuur gurigiisa.
Gumaadkii Baydhabo oo dad badan oo shacab ah & Xildhibaan Koofur galbeed ku dhinteen.

Taliyaasha ciidamada sadexda sano gudahood waxaa soo maray XDS. 5 taliye ciidan., oo 4 ka mid ah markay meel fiican marayeen xilka laga qaadey “Military strategic failure”. Ciidanka Boliska waxaa soo marey 3 taliye. 2 ka mid ah iyagoo hawl wanaagsan wadda ayaa xilka laga qaaday. Nabad sugida waxaa laysku raacay “NISA” ineysan helin experience qof ah oo madax ka noqda waxaa soo maray taliyayaal eedo badan ku faran yihiin.

Isku soo wadda duub 2020/2021 doorasho nadiif ah dalka ma ka dhici doontaa? dadka dhibaatooyinka geystey mala marsiin doonaa sharciga sida in la sameeyo (Special Tribunal Court) oo qaada dambiyadda laga galey shacabka Soomaaliyeed.

W/Q. Cali Jaamac Jirac

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *