Video| Farmaajo “Waxaan rabnaa dowlad dhexe oo Awood leh.” Khayre “Waxaan rabnaa Galmudug dowlada dhexe ka amar qaadata.” Arlaadi “Dowlad xoog leh waxaa la helaa oo kaliya marka la dhiso institutions strong ah oo xor ah, dariiqaasna ma hayaan Farmaajo & Khayre oo wixii ugu horreeyay ee ay dumiyaan wuxuu ahaa Baarlamaankii dalka.” I’m Sorry, Mr. President, You Are Wrong. Khayre isna kuma dhaamo oo waa kaa daran yahay.

June 26, 2019| Arlaadi Online

Video| Farmaajo “Waxaan rabnaa dowlad dhexe oo Awood leh.” Khayre ...

Strong countries are made strong by independent and effective institutions and officials. A strong man makes a weak country.”
Madaxweyne Farmaajo “Waxaan rabnaa dowlad dhexe oo xoog leh.”
Farmaajo iyo Khayre sidee ku helaysaan dowlad xoog leh marka aad dumisaan Baarlamaankii dalka ilaa ku dhawaad 100 xildhibaana aad ka dhigtaan Wasiiro iyo Wsiir ku xigeeno.
Hadaba ogaada Dowladnimada aad rabtaan ma aha tii ay Dadku raabeen, dowladnimada aad rabtaan waa dictator-nimo taasoo aan dan u ahaydn Dadka iyo Dalka, SOOMAALINA WAA DIIDAY EE HA KU DAALINA. Dalkaan inaad dib u celisaan adinka oo kaliya fiirsanaya danihiina gaarka marnaba la idiin ka yeeli maayo. 
“Dowlad dhexe oo Awood leh oo ku shaqeeysa nidaam Federal ah, kuna dhaqmaysa dastuurka dalka u degsan lama diidano ee waxaa la diidan yahay dictator-nimo. Keli-talisnimo laguma gaaro dowlad dhexe oo xoog leh oo dadku raali ka yahay oo waarta. Dowlad xoog leh oo waarta waxaa la helaa marka ay jiraan ha’yado xoog leh madax bannaan oo ay hoggaamiyaan dad leh Aqoon, Amaano iyo Karti. Ahmed Arlaadi
Cadaalad, Midnimo, Nabad, Dowlad wanaag, Barwaaqo iyo Horumar Alle ha ugu deeqo Soomaaliya. Ha guuleysto Shacabka Soomaaliyeed.
WA BILLAAHI TAWFIIQ,
W/D. Ahmed Nuur Arlaadi
Guddoomiyaha Ku Meel Gaarka Ah ee Xisbiga Ummadda
Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *