Video | HORUFADHI MEDIA TV oo kashiftay isla markaana sheegtay  in “Farmaajo uu wax badan ka qarinayo Shacabka Soomaaliyeed.”

November 16, 2018| Arlaadi Online

Shabakada HORUFADHI MEDIA TV ee arrimaha siyaasada iyo Diplomaasiyada oo falanqeeyn ku sameeysay isbaddelka ka socda Geeska Afrika ayaa sheegtay in Madaxweyne Farmaajo uusan run u sheegin shacabka Soomaaliyeed wax badana uu ka qariyay.

Halka Madaxweynaha Erteriya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay shacabkooda u shegeen sida ay wax u socdaan oo run ah, taaso khilaafsan hadalada kooban ee uu Madaxweyne Farmaajo uga hadlay Mustaqbalka Geeska Afrika.

Dhinaca kale HORUFADHI MEDIA ayaa sheegtay in Itoobiya iyo Erteriya ay si gaar ah uga faaideen heshiiska saddex geesoodka ah, sidoo kalena uga faaidi doonaan Mustaqbalka.

Video: HORUFADHI MEDIA TV

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides