Video| Madiba to Zapiro: ‘Oh, but that is your job?’. Sheeko ay cashar ka qaadan karaan Madaxda Soomaaliya ee Mustaqbalka oo dhex martay Nelson Mandela iyo South African Cartoonist Zapiro (aka Jonathan Shapiro).

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,News In English,WARARKA MAANTA |

Video| Madiba to Zapiro: ‘Oh, but that is your job?’. Sheeko ay cashar ka qaadan karaan Madaxda Soomaaliya ee Mustaqbalka oo dhex martay Nelson Mandela iyo South African Cartoonist Zapiro (aka Jonathan Shapiro).

August 24, 2019| Arlaadi Online

Zabiro to Mandela “I can’t believe you are phoning me yourself after you’d have seen the carton is getting more and more critical to ANC and your government” Mandela Oh, but that is your job.

In kasta oo Zapiro cartoon-adisa ay Critical ku ahaayeen Mandela waqtiyada qaarkood hadana Mandela kama uusan xumaan jirin oo wuu dhiri galin jiray oo la kaftami jiray.

The rules of 21st century warfare 80%  Informational, 15% Economic and 5% Military. Waxaan ku dari lahaa cadowaga 1aad iyo kan 2aad ee Soomaaliya iyo dal walba oo kale waa Madax aan ogolayn xorriyatul qawlka oo diidan in lagu sameeyo Naqdin (Criticism).

Muwadiniinta khaladkooda u tilmaamana u arka cadow, halkii ay talo iyo fikrad ka qaadan lahaayeen. Madaxda sidaa u fakirta Waxay iloobeen in Mas’uliyadda ay hayaan tahay Amaano, kalsooni ama thiqa (trust) oo ay shacabku dowladda leeyihiin oo iyaga loo shaqeeyo. 

Markaan darsay taarikhda Nelson Mandela waxaan ku arkay sifaat badan oo laga rabay hoggamiyaha wanaagsan ee Muslimka ah, mid ka mid ah waxay ahayd inuu shacabkiisa iyo la taliyayaashiisa ugu jeclaa kuwa khaladaadkiisa u sheega, oo isaga oo khaldan aan ku dhihin saxbaa tahaye horey usoco.

Waa sifo laga rabo hoggamiyaha wanaagsan ee Muslimka ah, khaliifkii koowaad ee Muslimiinta Abuu bakar (RA) marku xilka qabtay khudbadii ugu horreeysay ee uu jeediyay wuxuu ku sheegay oo ku dhirigaliyay Ummadda in talo la siiyo, wuxuu kalo codsaday in markuu khaldamo la saxo oo aan lagu fiirsan. Waa dabeecad ka mid ah waxyaabaha lagu garto hoggamiyaha wanaagsan ee isku kalsoon.          

Soomaaliya uma baahna Rag la mid ah Zumahii South Africa oo kale ah ee waxay u baahan yihiin rag Mandela oo kale ah.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *