Video| Soomaalaay Is maqaloo Midab gumeysi diida (Nabad iyo Nolol). Axmed Islaamow “Madowgaaga Ninkaan rabin. Muuqaaga kii neceb. Tiisana ha meel marin”.   

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video| Soomaalaay Is maqaloo Midab gumeysi diida (Nabad iyo Nolol). Axmed Islaamow “Madowgaaga Ninkaan rabin. Muuqaaga kii neceb. Tiisana ha meel marin”.   

October 13, 2019| Arlaadi Online

Farmaajo ma muuqdeen, Jubbaland ma maageen hadaan midig la siinin (Abiy & Yamamoto). Baydhabo ma mariyeen, mana u haweysteen Galmudug. Mindiyihii qarsoonaa. Puntland lala maaganaa. Somaliland ma moogin ma moogin.

Hadal iyo murtina Soomaalaay is maqaloo midab gumeysi diida diida diida diida.

 

Image result for farmaajo iyo Axmed Madoobe

 

Mudane Axmed Islaam (Madowgaaga Ninkaan rabin. Muuqaaga kii neceb. Tiisana ha meel marin.   

Hadal iyo murtina Soomaalaay is maqal Midab gumaysi diida.    Dadka oo midooboo Kulligii masoobiyo Nabad lagama maarmo Maalintay xumaatee Ragga aydun murantaan Waranku waa macaan yahay.

Madowgaaga kaan rabin Muuqaaga kii neceb Tiisana ha meelmarin. Hadal iyo murtina Soomaalaay is maqal Midab gumaysi diida.

Haddii aan maskaxi talin Dhegtu maqal xumaha jira Indhuhu maalin aragti Lugu hawsha maamulin Gacmuhuna wax kuu qaban Cadow kaa ma maagto.

Midabkuba sed weeyee Magacuba dan weeyee. Murtidu dhaxalgal weeye. Hadal iyo murtina Soomaalaay is maqal Midab gumaysi diida.

Madaxdii Soomaalaay Mabda’ii gumaysigu (Nabad iyo Nolol) Magacood ba’ wuxu yahay Wanka macasha ii qabo Adigu gawrac ii mari Dhiiggana aan muudsado!

Sirtii aad ku marateen ‘Maya’ haddaad tiraahdaan Ma afkaa maroorsami! Hadal iyo murtina Soomaalaay is maqal Midab gumaysi diida (Nabad iyo Nolol).

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *