Video| Warbixin Socdaalka RW Khayre ee Baydhabo, ballanqaadyada uu u sameeyay reer Koonfur galbeed, qorshihii uu RW Khayre geeyey shirkii (SIP) iyo Jawaabta beesha Caalamku siisay ka dib markii sida la sheegay uu ku dooday in laga maarmo Puntland iyo Jubbaland + Maamulka Koonfur Galbeed oo ka codsaday RW Khayre sii deynta Roobow

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA |

Video| Warbixin Socdaalka RW Khayre ee Baydhabo, ballanqaadyada uu u sameeyay reer Koonfur galbeed, qorshihii uu RW Khayre geeyey shirkii (SIP) iyo Jawaabta beesha Caalamku siisay ka dib markii sida la sheegay uu ku dooday in laga maarmo Puntland iyo Jubbaland + Maamulka Koonfur Galbeed oo ka codsaday RW Khayre sii deynta Roobow

September 9, 2019| Arlaadi Online

Image may contain: sky, outdoor and nature

Waxa wadooyinka magaalada Baydhabo la suray boorar ay sawirada RW Khayre ku xardhanyihiin oo mudo 5 maalmood ay ilaalinayeen ciidamo wata gaadiidka cabdi billayaasha loo yaqaano si ay uga ilaaliyaan shacabka jeexaya ee Magaalka ku nool.

Wasaarada waxbarasha KGS aya albaabada iskugu dhufatay oo fasaxday iskuuladii si looga qeyb qaato so dhaweynta Khayre 

Guud ahaan socdaalka Khayre wuxuu u ekaa mid bilow u ah olole doorasho oo aan ila hada la ogayn cida uu kula tartamayo, iyada oo aysan weli xukuumada uu Madaxda ka yahay usoo bandhigin shacabka Soomaaliyeed nooca doorasho ee dalka ka dhici doonta 2021-ka.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa la sheegay inuu ku faanay oo yiri “Waan guulaystay goobo badana waan soo nabadeeyey, waxaan usoo tafaxaydanayaa dhulkii dhibaatada baahsan ay ka dhacday oo ummad dhan lagu halaagay laguna dulmiyay, masiirkooda laga hor istaagay Qaar kalena la afduubtay.

Dhinaca kale RW Khayre oo doonayay inuu u muujiyo Beesha Caalamka in Dowlada Fedaraalka ay wali gacanta ku hayso dowlad goboleedyada ayaa wax uu ka codsaday in shirkoodii joogta ahaa “Somali International Partners Meeting” markaan lagu qabto magalaada Baydho.

Shirka oo ay soo xaadireen qaar ka mida safiirada caalamka u fadhiya Soomaaliya ayaa looga hadlay xaaladaha cakiran ee siyaasada  Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay shirkii beesha caalamka ay Khayre kula yeelatay  magalaada Baydhabo ayaa loogu sheegay RW Khayre in howlaha horyaalo dowlada fedaraalka ayan marnaba meel  mari karin ilaamaa dowlada fedaraalka ay la heshiiso  hogaanka dowlad Goboleedyada oo dhan.

Safiirka u fadhiya dowlada Ingiriiska dalka Soomaaliya ayaa si cad ugu sheegay RW Khayre in riwaayadaha ay dowlada Fedaraalka matalayso ayan meel dheer gaaraynin ilamaa si dhab ah loo wajaho xaaalada siyaasadeed ee ka sii daraysa ee ka jirta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Doorashada oo aan wax laga qabtay ilaa iyo hadda aysan jirin.

Ugu dambeyn RW Khayre ayaa ku fashilmay qorshihii ahaa inuu ka dhigo labada dowlad Goboleed ee Jubbaland iyo Puntland in aanan loo baahnayn mar hadii uu haysto labada kale, laakiin kulankii shalay ayaa si toos ah loogu sheegay in Dowlada Fedaraalka ayan meelna u dhaqaaqi karin hadii aysan helin tageerada iyo kalsoonida labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbland.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *