Video | Wasiir Xayir oo Baarlamaanka hortiisa raalli galin ku siiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku hadla Af-Maayga
Video | Wasiir Xayir oo Baarlamaanka hortiisa raalli galin ku siiyay shacabka Soomaaliyeed ee ku hadla Af-Maayga
October 14, 2018|Arlaadi Online
Wasiiru dowlaha Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa raalli gelin ka bixiyay hadal uu maalintii isniinti ka sheegay Baarlamaanka oo ku saabsanaa su’aal lagu weydiiyay afka Maayga, iyadoo jawaabta uu ka bixiyay ay ka careysiiyay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku hadla Af-Maayga.
Guddoomiye Maxamed Mursal ayaa Wasiirka ka codsaday inuu raalli galin siiyo bulshada Soomaaliyeed ee ku hadasha Maayga iyada oo Mudane Maxamed Mursal uu xasuusiyay Wasiir Xayir in Shacabka Soomaaliyeed ee ku hadla Af-Maayga ay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed uu Wasiir Xayir u dhaartay.
Xildhibaan Fanax oo ahaa xildhibaankii tabanayay in khalad laga galay dadka ku hadla afka Maayga, ayaa sheegay inuu aqbalay raalli gelinta Wasiiru dowlaha.
Halka hoose ka daawo sida ay u dhacday raalli galinta uu bxiyay Wasiir Xayir.