WAA MAXAY XOOGGAGA SADDEXAAD? MAXAASE AY SOOMAALIYA UGU BAAHAN TAHAY ALTERNATIVE AAN AHAYN NABAD & NOLOL IYO MADASHA? For immediate release. 

March 25, 2020| Arlaadi Online

Image result for alternatives

MAYA NABAD & NOLOL, MAYA MADASHA. YES XOOGGAGA SADDEXAAD.

For immediate release. 

DALKA IYO DADKA SOOMAALIYEED LAGUMA FIIRSAN KARO NABAD & NOLOL IYO MADASHA. MAXAA YEELAY HOOGAANKA LABADAAN KOOXOOD WAXAY DALKA KA TALINAYEEN 11 SANO, 11-KAAS SANO SOOMAALIYA WAXAY AHAYD DALKA UGU MUSUQ-MAASUQA BADAN CAALAMKA. 

WAXAY SADDEXDA MADAXWEYNE EE KALA SHEEKH SHARIIF, XASAN SHEEKH IYO FARMAAJO SI WADAJIR UGU GUULDARAYSTEEN INAY UGU YARAAN HAL DARAJO SOOMAALIYA KOR UGA SOO QAADAAN KAALINTA UGU HOOSEEYSA EE MUSUQ-MAASUQA CAALAMKA.

HADDABA MAXAY YIHIIN XOOGGAGA SADDEXAAD EE SOOMAALIYA. (ALTERNATIVES)

Xoggaga Saddexaad, waa dhaqdhaqaaq ama (Political movement) ay arragtidiisu marka lasoo gaabiyo ku saleeysan tahay in Dalkeena loo helo Hoggaamiyayaal nooc cusub ah ama Reformist leaders ay si dhab ah uga go’antahay samatabixinta Dadka iyo Dalka. “New Faces For New Somalia”.

Reformist leaders-ku waxay ka imaan karaan Soomaaliya oo dhan marka laga reebo Saddexdii Madaxweyne ee isaga dambeeyay talada dalka, kuwaasoo kala ah. 1- Sheekh Shariif Sh. Axmed, 2- Xasan Sheekh Maxamuud iyo 3- Maxmaed Cabdulaahi Farmaajo. Maxaa yeelay Saddexda Madaxweyne waxaa la siiyay Mandate oo waxay ummadda Soomaaliyeed siiyeen fursad, waxaana hadda cadaatay inaysan lahayn sifaadka laga rabo inuu yeesho hoggaamiye reformist leader ah.

XOOGGA SADDEXAAD, waxay qabaan oo Aaminsan yihiin inaysan xal ahayn in doorashada ka dhici doonta Dalka ay Shacabka Soomaaliyeed kala doortaan labada kooxood ee ay kala hoggaaminayaan Saddexdii Madaxweyne ee isaga dambeeyay talada Dalka.

XOOGGAGA SADDEXAAD, waxay sidoo kale Aaaminsan yihiin sida SHACABKA SOOMAALIYEED badankiis uu qabo in labada kooxood ee kala ah NABAD & NOLOL IYO MADASHA ay ku fashilmeen Dowlad Wanaaga, Cadaaladda, la dagaalanka Musuq-maasuqa, Amniga iyo MIDNIMADA DADKA IYO DALKA SOOMAALIYEED.

Akhriste Fashilka faraha badan ee labada kooxood ee ay kala hoggaaminayaan Saddexda Madaxweyne aan hal tusaale kaa siiyo kaasoo ah MUSUQ-MAASUQA.

Isku dar sidii aan halka kore kusoo sheegay Saddexda Madaxweyne ee kala ah Sheekh Shariif, Xasan Sheekh iyo Farmaajo waxay dalka xukumayeen 11 sano. 11-kaas sano Dalka SOOMAALIYA wuxuu ahaa dalka ugu Musuq-maasuqa badan Caalamka.

Saddexda Madaxweyne mid walba wuxuu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono Musuq-maasuqa la degay Dalkeena, Saddexduba waa ku FASHILMEEN oo waxay si isku mid ah ugu guul daraysteen inay SOOMAALIYA kasoo qaadaan kaalinta ugu hooseeysa ee Musuq-maasuqa Caalamka, ilaa maantana Dalkeena Soomaaliya waxaa lagu sheegaa inuu yahay Dalka ugu Musuq-maasuqa badan Dunida oo dhan.

Image result for sheekh shariif xasan sheekh iyo farmaajo

Somalia has held the title of being the world’s most corrupt country for the past decade. Ummadda Soomaaliyeed meel ay joogaan waxay xasuusnaan doonaan magac xumadaas. 

Su’aashu waxay tahay yaa hayay talada dalka 11-kii sano ee dambeeyay?

Yaase hada raba inay dib ugu soo noqdaan talada dalka amase sii haystaan? Jawaabta waa laguu hayaa.

Link-a hoose akhriso qoraal aan hadda ka hor ka qoray sida ay Saddexda Madaxweyne ugu FASHILMEEN la dagaalanka MUSUQ-MAASUQA. 

https://arlaadi.net/4-sano-oo-shariif-ah-4-sano-oo-xasan-ah-2-sano-oo-farmaajo-ah-10-sano-tobankii-sano-ee-ugu-danbeeyey-soomaaliya-waxay-ahayd-dalka-ugu-musuq-maasuqa-badan-caalamka/

SHACABKA SOOMAALIYEED HA OGAADAAN 98% MADAX KU TIMID MUSUQ-MAASUQ IN AYSAN LA DAGAALAMI KARIN MUSUQ-MAASUQ. La soco qeybta 2-aad.

Mahadsanidiin.

Ahmed Nuur Arlaadi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *