Wakiilada QM, EU iyo AU-da oo kulan la yeeshay Murashaxiinta Madaxtinimo ee Maamulka Koonfur galbeed ee ku sugan Baydhabo

Wakiilada QM, EU iyo AU-da oo kulan la yeeshay Murashaxiinta Madaxtinimo ee Maamulka Koonfur galbeed ee ku sugan Baydhabo

October 31, 2018| Arlaadi Online

Wufuud ka socotay beesha caalamka oo uu hor kacayo wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicolas Haysom ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, iyagoo kulamo kala duwan la qaatay madaxda, maamulka iyo musharaxiinta ka qeyb gelaya doorashada dhowaan ka dhaceysa magaalada Baydhabo.

Ergooyinka waxaa kale oo ka mid ahaa wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya iyo wakiilka Soomaaliya ee Midowga Afrika, waxayna wararka aanu ka heleyno magaalada Baydhabo sheegayaan in kulan gaar ah ay la qaateen Lixda musharax ee u tartameysa xilka Madaxweynaha.

Arrimaha ay ka wadahadleen wafdiga iyo musharaxiinta ayaa u badnaa doorashooyinka dhowaan ka dhacaya magaalada Baydhabo, iyagoo isku afgartay talooyin dhowr ah oo wafdiga beesha caalamka u jeediyay musharaxiinta,

Magacyada musharaxiinta u tartameysa xilka madaxweynaha oo kala ah:

1. Xuseen Cusmaan Xuseen
2. Mukhtaar Roobow
3. Abdicaziiz Lafta Gareen
4. Yuusuf Baadiyow
5. Aadan Saransoor
6. Aamina Eelayey

Murasxiinta waxay dalbadeen in beesha caalamka ay taageerto hannaanka doorashooyinka madaxtinimada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, isla markaana maamulka cusub ay ka taageeraan dhinacyada amniga, horumarka iyo dib u dhiska goobaha muhiimka ah.

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *