War-Saxaafadeed| Xisbiga Ummadda Soomaaliyeed oo soo saaray baaq ku aadan xaalada guud ee Koonfur galbeed, Eedeyn kululna u jeediyay Dowladda Federaalka + Xisbiga Ummadda oo ku baaqay ilaalinta, wadajirka iyo Midnimada Soomaaliya. Ahmed Nuur Arlaadi Interim Chairman of People’s Party of Somalia

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,Maqaalo,WARARKA MAANTA,XISBIGA UMMADDA |

War-Saxaafadeed| Xisbiga Ummadda Soomaaliyeed oo soo saaray baaq ku aadan xaalada guud ee Koonfur galbeed, Eedeyn kululna u jeediyay Dowladda Federaalka + Xisbiga Ummadda oo ku baaqay ilaalinta, wadajirka iyo Midnimada Soomaaliya. Ahmed Nuur Arlaadi Interim Chairman of People’s Party of Somalia

September 9, 2019| Arlaadi Online

Image result for peoples partyImage result for somali flag

War-Saxaafadeed| Xisbiga Ummadda SOOMAALIYEED

Xisbiga Ummadda Soomaaliyeed wuxuu si buuxda u taageeraya dareenka iyo Baaqa Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’udiinka, Wax garadka, iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada reer Koonfur galbeed ee ku Aadan la xisaabtanka Dowladda Federaalka oo ka gaabisay horumarka Koonfuur galbeed.

1- Xisbiga Ummadda wuxuu ugu baaqayaa dowladda federaalka inay jawaab deg deg ah ka bixiso dhammaan tacdiyadii ka dhacay magaalada Baydhabo.

2- Xisbigu wuxuu ku baaqayaa in la sii daayo dhammaan Maxaabiista u xiran dowladda federaalka, kuwaas oo kaliya lagu soo xiray inay Aragtidooda si xor u cabireen, falka lagu soo xiray Muwaadiniintaas ayaa ah mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka.

3- Xisbigu wuxuu sidoo ugu baaqaya Dowladda Federaalka inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan codsiga ay usoo gudbiyeen Ergadii uu horkacayay Suldaan Warsame Suldaan Caliyow Ibrow.

4- Xisbigu wuxuu la qabaa Ergada Suldaan Warsame dareenka ah in dowladda federaalka ay Caddaalad daro kula dhaqanto dadka Koonfur galbeed, xadgudbyo iyo tacdiyo badana loo geeystay intii ay jirtay dowladda uu Madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdulaahi Farmaajo   .

5- Xisbigu wuxuu ugu baaqaya dowladda dhexe inay si deg deg ah uga bilowdo degaanada Koonfur galbedd mashaariic horumarin, oo ay ugu horreeyso dayactirka iyo dhismaha dekadaha Marka iyo Baraawe.

In la furo jidka isku xira Xamar iyo Baydhabo.

In si deg deg ah isbeddel muuqda loogu sameeyo ciidamada federaalka ee ka hawlgala Koonfur galbeed.

In dadka Koonfur galbeed xaqa iyo qeybta ay ku leeyihiin dowladda dhexe laga siiyo si caddaalad ah. 

6- Xisbigu wuxuu uga digayaa dowladda federaalka ficil kasta oo ka baxsan dastuurka dalka iyo wixii ay Soomaali ku heshiiyay, maxaa yeelay dastuurka oo aan lagu dhaqmin wuxuu kow ka yahay arrimaha dhaawaca dowladnimada, wadajirka iyo Midnimada Dad iyo Dal.

7- Ugu dambeyn Xisbiga Ummadda Soomaaliyeed wuxuu rumaysan yahay in Midnimada Soomaaliya ay tahay lama taabtaan, waxaase loo baahan yahay dowlad wanaag iyo Madax Caadil ah oo isku haysa Ummadda Soomaaliyeed. 

Ha guuleysto Shacabka Soomaaliyeed ee Koonfur galbeed.

WA BILLAAHI TAWFIIQ,

Ahmed Nuur Arlaadi

Guddoomiyaha Ku Meel Gaarka Ah ee Xisbiga Ummadda

Arladun@hotmail.com

Arlaadi Online. Education, news, opinion and guides

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *