Wareysi Xasaasi: Wasiirka Socdaalka Qaxootiga iyo Jinsiyadaha dalka Canada oo Fariin u diray Shacabka Soomaaliyeed

Arbaco July 19, 2017| Arlaadi Online 

Wasiirka Socdaalka Qaxootiga iyo Jinsiyadaha ee dalka Canada Mudane Axmed Xuseen oo wareysi gaar ah siiyaay Talefishinka Universal Tv ayaa ka waramay waxqabadka dowlada uu wasiirka ka yahay, taarikhdiisa siyaasaded iyo shaqooyinkii u qabtay intuu siyaasada ku jiray.

Wasiir Axmed Xuseen ayaa sheegay inuu marwalba ku dadaalo u shaqeeynta dadka uu wakiilka ka yahay iyo guud ahaan dadka Socdaalka ku yimid iyo kuwa qaxootinimada ku jooga dalka, waxaa kale oo uu ka hadalay arimo ay kamid yihiin qaabka ay uga suura gashay inuu xilkaas ka qabto dalkaas, isaga oo ka sheekeeyay noloshiisa gaar ahaaneed iyo sidii uu Canada u tagay.

Wasiirka Socdaalka Canada Axmed Xuseen ayaa dhanka kale sheegay sida uu u taageeray dadka Soomaalida sharci doonka ah ee dalkaas galaya isagoo dhanka kale fariin u diray dowladda iyo shacabka SOOMAALIYEED.

Ugu dambeyntii Wasiirka Socdaalka Canada Axmed Xuseen ayaa sheegay sida uu u taageeray dadka Soomaalida sharci doonka ah ee dalkaas galaya isagoo dhanka kale fariin u diray dowladda iyo shacabka SOOMAALIYEED.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.