Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si murugo leh uga hadlay xaalada Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo si murugo leh uga hadlay xaalada Soomaaliya.

Dr. Bayle “Inaan isxoreynaan u baahanahay walaahi inaan isxoreyno yaan u baahanahay”.

 

Isniin April 24, 2017| Arlaadi Oline  Wasiir Bayle ayaa sheegay “200 oo dowladood oo Aduunka jira dhinac walba Eeg Soomaali baa ugu hoseeysa yaa lagu oran, hadey noqoto wadahadal, Ismaamul iyo Maamul wanaag , Aduunku naga Eexan maayo balse waa sida ay tahay wax walba oo wanaagsan inaga ugu danbeyna, wixii xuna inaga u horeyna waan liidana Aad baan u liidana”.

Mar kale Wasiir Bayle oo xaalada ay ku sugan tahay Soomaaliya cabirayey ayaa yiri waxaa inagu dhacay xanuun Virus ah sida darteed sida Computer-ku uu ugu baahanyahay Antivirus yaa Soomaalina ay u baahantahay Antivrus. Wuxuu sheegay qofka Soomaaliga ah wuxuu Eeganyaa kan kale ee Soomaaliga ah ma ogola inuu Madax u noqdo hadiise ay qolo shisheeye Madax u noqoto waa uu ogol yahay.

Halkaan ka dhageyso wareysiga murugada leh ee uu bixiyay Wasiir Bayle oo ay ka muuqato inuu ka xun yahay xaalka dadka iyo dalka Soomaaliya. 

https://youtu.be/nMKBFCaELYI

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *