Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ka warbixiyay shirkii London iyo kullan uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo oo uu ku tilmaamay hoggamiye wanaagsan.

Xoghayaha Difaaca Mareykanka oo ka warbixiyay shirkii London iyo kullan uu la qaatay Madaxweyne Farmaajo oo uu ku tilmaamay hoggamiye wanaagsan. 

Isniin May 15, 2017| Arlaadi Online 

Xoghayaha Difaaca dawladda Mareykanka, Jim Mattis oo ka qayb galay shirkii London ee agaasinkiisu ay lahayd UK ayaa kullan gaar ah la yeeshay Madaxweynaha dawladda Federaal-ka Soomaaliya, Maxamed C/lahi Farmajo.

“ Dawladda Mareykanka door bay ka ciyaaraysaa Soomaaliya kaasi oo ah sidii loo cirib tiri lahaa Al-Shabaab oo ah koox argagixiso oo arxan daran”, Xoghayaha Difaaca ayaa sidaa u sheegay wariyeyaasha.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in QM, midowga Africa, Midowga Yurub iyo Carabta ay door ka qaadanayaan in hore loo sii wado dadaalka lagu taageerayo dawladda Soomaaliya.

Mattis waxa uu sheegay in dawladda Soomaaliya ay leedahay Dhaqaalo iyo barnaamij dawladeed oo ay tahay iney ka shaqayso sidii dib ay cagaheeda uga istaagi lahayd, waana u muhiim taageerada beesha Caalamka inta ay Soomaali ka gaarayso yoolkaasi.

“ Waxan ka shaqaynaynaa sidii ay dawladda Soomaaliya u yeelan lahayd hab sax oo ay ku dhisto qaab-dhismeedkaasi, waxaana ku jira dagaalka ciidanka amaanka ay kula jiraan Al-Shabaab, iyo hanaan dib u heshiisiin ama wadahadal oo loogaga soo saarayo Al-Shabaab kuwa geed fadhiga u ah ama taageera”, Mattis ayaa warkiisa ku daray.

Uga dambeyn Xog-hayaha Mareykanka ayaa intaasi ku daray in uu aad uga farax-san yahay la kullanka madaxweynaha dawladda Soomaaliya ayna aad u dhiiri-gelisay arrimihii lagu falan-qeeyay shirka aayaha Soomaaliya ee London ku soo gaba-gaboobay 11-kii bishan May.

Arlaadi Online. Education news, opinion and guides.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *